Arabco (17, June 2020 ) waxaa qabsoomay Shirka ku dhacay qaabka fogaan-aragga (zoom) shirkaas oo u dhexeeyey Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Wakaalada Horumarinta Tamarta iyo World Bank & IFC.
Waxaa shirka kasoo qaybgalay Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Tamarta Macdanta iyo Biyaha Mudane Axmed Siciid Qoloombi, Maareeye K/ xigeenka Wakaaladda Korantada Eng.Ismaaciil Maxamed Xasan, Agaasimaha Qorshaynta ee Wakaaladda Eng.Ismaaciil Bashiir Maxamed , Lataliye ka socda Madaxtooyada DPL Sagal Jamac, iyo,Gudoomiyaha shirkadda korantada NECSOM Abdifitax Kismaayo oo matalayay Private secto- ka. Waxaa sidoo kale dhanka kale Kasoo qaybgalay dhinaca World Bank & IFC Patric Palla , Aisha Abdulaziz , Sitora Sultanova.
Waxaa looga wada hadlay mashaariicda Tamarta ee socda iyo kuwa soo socda , waxaa si gaar ah la isula meel dhigay in la joogteeyo xiriirka sidoo kalana laga wada shaqeeyo hirgelinta mashaariicda tamarta ee socda iyo in laga caawiyo puntland samaynta “strategic plan-ka” horumarinta Tamarta Puntland sidoo kale In la taageero ganacsatada ka shaqaysa korontada iyadoo dawladu hogaaminaysa qaabka looga fa’iideysanayo mashaariicda horumarinta Tamarta.