Gaalkacayo: Salaasa 16-September-2025: Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland Eng Ismail M. Hassan oo kormeer shaqo ku tagay Magaaladda Gaalkacayo ayaa ka qayb-galay munaasibada wareejinta xarunta dab-dhalinta shirkada NEPCO ee magaalada Gaalkacayo ee mashruuca sookabashada Tamarta, oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka (World Bank) mashruuca oo looyaqaan SESRP, ama ILEYS.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland Eng Ismail M. Hassan oo kormeer shaqo ku tagay Magaaladda Gaalkacayo ayaa ka qayb-galay munaasibada wareejinta xarunta dab-dhalinta shirkada NEPCO ee magaalada Gaalkacayo ee mashruuca sookabashada Tamarta, oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka (World Bank) mashruuca oo looyaqaan SESRP, ama ILEYS.

Munaasibada waxaa qayb ka ahaa, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo, xildhibaabada golaha deegaanka, Maareyaha wakaaladda korontada Puntland, xubno ka socday maamulka mashruuca iyo hawl-wadeenada wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland.

Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada oo ka hadlay mashruuca ayaa ku tilmaamay in mashruucu yahay mid wax weyn ka badali doona awooda korontada magaalada iyo tayadeedaba, sidoo kale maamulku waxay balanqaadeen in ay hawlwadeenada iyo maamulka mashruuca kala shaqaynayaan sidii loogaari lahaa yoola mashruuca, ugu dambayna maamulka ayaa masuuliyiinta wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ugu mahadceliyey dadaalada ay ugu jiraan sidii deegamada Puntland ay u heli lahaayeen koronto jaban iyada oo laga faa’ideysanayo qoraxda iyo dabaysha.

Gabagabadii Agaasimaha guud ayaa ladardaarmay maamulka mashruuca iyo shirkada NEPCO isaga oo kula dardaarmay in mashruuca waqtiga loogu talagalay lagu dhameeyo, sidoo kalena si hufan shaqada loofuliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *