


















Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dawlada Puntland, H.E Liban Muse Boqor oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Caafimaadka H. E Siciid Jaaac (Qorsheel) , Wasir kuxigenka Wasaaradda Ganacsiga, H. E Cabdikarin Maxamed Xasan(Gufure), Xildhibaan Cabdiqaadir Saalax Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Eng Ismail M. Hassan , Mareeyaha Wakaalada Horomarinta Biyaha Maxamed Cabdiqaadir iyo masuuliyiinta Gobolka Sanaag iyo Degmada Badhan ayaa daahfuray Ceelka Biyaha ee magaalada Hadaaftimo oo Dawladdu dhowaan ka hirgelisey magaalada Hadaaftimo kadib markii uu ceelkii magaalada Dumey xili abaar iyo biyo laani ka jirtey deegaanka.
Gabgababadii dadka deegaanka ayaa uga mahadceliyey guud ahaan Dawladda Puntland gaar ahaan madaxweynaha dawlada Puntland, sida deg-dega ah ee uga soo jawaabey codsigoodi iyo baahidi biyood ee ka jirtey deegaanka Hadaaftimo.shaqada ay hayaan, isagoo kula dar daarmay in ey sii wadaan dar dar gelinta adeegyada aas aasiga ah.
