









Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland oo ku guda jira safarkii uu ku joogay magaalada Badhan ayaa booqday xarumo ay kamid yihiin dhakhtarka weyn ee magaalada Badhan iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Puntland ee Badhan. Agaasimaha ayaa kormeer ku sameeyey sida ay u shaqeeyaan adeegyada biyaha iyo korontada ee labada xaruumood, sidoo kalena wuxuu dhagaystay baahiyaha deg-dega ee ay u baahan yihiin. Agaasimaha ayaa si hoose ugu kuurgalay baahiyaha labada xarumood uu ku saabsan biyaha iyo tamarta, iswaraysi kadibna Agaasimaha ayaa xusay in dowladda yo wasaaradduba ay ka go’antahay horumarinta gobolka Sanaag iyo ka jawaabida baahiyaha ka jira xarumaha mihiimka oo cusbitaalka iyo jaamacaddu ugu horeeyaan.
Gabagabadii masuuliyiinta Jaamacadda iyo Cusbitaalka ayaa Agaasimaha Guud uga mahadceliyey booqashadiisa iyo fulinta mashaariicda tamarta iyo biyaha oo ah asaasiyaadka nolosha.
