

















Wasiirka wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland Mudane LIiibaan Muuse Boqor oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ayaa ka qayb-galay xaflada saxiixa iyo Wareejinta xarumaha laga hirgelin doono mashruuca sookabashada Tamarta, oo uu maalgaliyo Bangiga Aduunka (World Bank) mashruuc oo looyaqaan SESRP, ama ILEYS waxaana ka faa’ideysanaya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo ee dowladda Puntland.
Sidoo kale waxaa munaasanada qayb ka ahaa masuuliyiinta kale ah wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo Horomarinta Dhaqaalaha, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, Duqa Degmada Garowe, masuuliyiinta shirkadaha NECSOM iyo NEPCO iyo masuuliyiinta shirkada mashruuca fulineysa.
Furitaanka kadib waxaa ujeedada munaasabada faah-faahiyey agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta, macdanta iyo Biyaha dawlada Puntland Eng Ismail Mohamed Hassan, isaga oo kusoo dhoweeyey dhamaan masuuliyiinta iyo dadki kasoo qayb galay munasabadan, Agaasimuhu wuxuu xusay muhiimada mashaariicdani ay u leeyihiin horomarinta ilaha dhaqaalaha degmooyinka laga fulinayo, sidoo kale Agaasimuhu wuxuu sharaxaad ka bixiyey siyaasada dowladda Puntland ee ku aadan horomarinta ilaha Tamarta si ay qayb uga noqdaan kor u qaadista wax soosaarka. Dhamaan masuuliyiintii ka qayb gashay munaasabada wexey sheegeen in mashruucani uu qayb weyn ka qaadan doonoo dhaqan dhaqaalaha magaalooyinka laga fulinayo.
Ugu danbayn wasiirka wasaarada Tamarta, Macdanta iyo Biyaha dowladda Puntland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyey, siyaasada dawlada ee horomarinta ilaha Tamarta, isagoo dhamaan cid kasta oo ka qayb qaadatay mashruucana uga mahad celiyey doorkooda muuqda ee ay kasoo qaateen in maanta lasoo gaaro fulinta mashruucan, wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux-saday in wasaaradda ay ka go’antahay gaarida yoolka helida koronto jaban oo ku filan dadka iyo deegaanada Puntland.
